Bardaale (KAAB TV) –Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaalameen Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu sababay dhimashada ugu yaraan 2 ruux oo labada dhinac ah, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalyahanada “AS” ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah xerooyinka ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ilaa hadda socda howlgal ay wadaan ciidamada isku dhafka ah.
War kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in weerarka ay soo qaadeen ‘AS’ uu ahaa mid ‘Rabshado’ ah, ujeedkooduna uu ahaa in ay rasaas iyo qalalaaso ka geystaan qeybo ka mid ah degmada balse laga hortagay.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in saacadihii ugu dambeeyay degmada Bardaale ay ka dhaceen kulamo looga hadlayay qaadista isbaarooyin ay soo dhigteen qaar ka mid ah ciidamada degmadaasi.
Wafdi ka socda maamulka Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga ee maamulkaasi ayaa tagay degmada Bardaale si ay ugala hadlaan qaadista isbaarooyinka.
Inkastoo dowladda federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siisay ammaanka, islamarkaana dagaal culus ku qaaday dagaalyahannada Al-shabaab, ayaa haddana waxaa sii socda weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Federaalka, inkastoo kooxdan laga saaray dhowr magaalo oo muhiim ah oo ay maamulayeen dhowr iyo toban sano.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay askarta dowladda iyo ciidamada deegaanka oo abaabulan oo kooxda ka saaray deegaano badan tan iyo markii duulaanka lagu soo qaaday.

