MOGADISHU (KAAB TV) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Culima’udiinka Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada iyo wadashaqeynta Booliska iyo Culimadda.
Intii uu socday kulanka ayaa qaar ka mid ah aqoonyahannada waxa ay bogaadiyeen dadaallada ay ciidamada boolisku ku hayaan dhalinyarada dhaqan xumada iyo muuqaalada aan wanaagsanayn ku faafinaya baraha bulshada.
Culimadu waxa ay sidoo kale Taliyaha ku ammaaneen go’aanka uu ku sheegay in Xifdiga Qur’aanka iyo Xifdiga uu la mid yahay in uu haysto Shahaadada Dugsiga Sare ee ka mid noqoshada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Todobaadki hore ayay aheyd markii booliska Soomaaliya ay xireen 21 qof oo baraha bulshada saameyn ku yeeshay oo isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo lagu eedeeyay inay internetka ku faafiyeen aflagaado qabiil iyo “dhaqan xun”.
Booliisku waxay ku andacoonayaan kuwa saamaynta ku leh inay “qalalaas iyo khilaaf” ka dhex keeneen bulshada dhexdeeda. Inta badan dadka la xiray ayaa weli ku jira xabsiga, iyagoo sugaya dacwadaha maxkamadda.