MUQDISHO (KAAB TV) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa howlgalkii dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, sida lagu sheegay fariin qoraal ah oo ay VOA-da u dirtay kadib su’aalo la xiriira sida ay wax u dhaceen.
26-kii May, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Qaranka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ay dileen in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan saddex hoggaamiye oo muhiim ah, kadib duqeyn ka dhacday Buuraha Calmadow. TV-ga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad qorsheynayay weerar dhowr kalena lagu dhaawacay.
maamulka Puntland ayaa dhankooda beeniyay sheegashadan maalintii xigtay. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir, ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay gacanta ku hayaan deegaankaasi, isla markaana aysan dowladda Federaalka awood u lahayn inay howlgalo noocan oo kale ah ka sameeyaan halkaasi. Waxa uu xaqiijiyay in qaraxyo ay dhaceen balse waxa uu beeniyay war kasoo baxay dowladda Federaalka oo ku aadan in howlgalkaasi ay ka danbeeyeen.
Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku beenisay war kasoo baxay dawladda Faderaalka, waxayna sidoo kale xaqiijisay in Puntland ay awood u leedahay inay maamusho amnigeeda. Waxay ku nuuxnuuxsadeen inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee gobolka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala, ayaa horey u sheegay in Dowladda Federalka Somaliya oo taageero ka helaysa Beesha Caalamka, ay weerarkaasi ku beegsadeen Madaxda ugu sareysa Ururka Al Shabaab ee ku sugan Puntland. Waxa uu intaa ku daray in Al-Shabaab ay dib isaga soo uruursadeen Bariga Puntland, kadib markii ay guuldarrooyin kala kulmeen Galmudug iyo Hirshabeelle.