SO | EN

Xukunnada dilka ee laga fuliyay waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika oo in ka badan saddex laab kordhay

|

NAIROBI (KAAB TV) – Xukunnada dilka ah ee laga fuliyay caalamka ayaa tiradoodu sare u kacday sanadkii 2023, iyada oo gaartay halkii ugu sarreeyay ku dhawaad muddo toban sano ah, waxaana sare u kaca sabab u ah Bariga Dhexe iyo Soomaaliya oo fulinta xukunnada dilka ah ay korortay in ka badan lix laab, sida ay maanta sheegtay hay’adda Amnesty International oo sii daysay warbixinteeda sanadlaha ah ee isticmaalka xukunnada dilka ah ee caalamka.
Guud ahaan caalamka, inta la og yahay waxaa sanadkii 2023 xukun dil ah lagu fuliyay 1,153 oo qof, tiradaas oo aan lagu darin kumannaanka qof ee la rumaysan yahay in lagu dilay Shiinaha, waxaana tirada ay 30% ka badan tahay xukunnadii dilka ee la fuliyay 2022. Waa tiradii ugu badnayd ee ay Amnesty International diiwaangeliso tan iyo 2015, markaas oo 1,634 qof inta la og yahay lagu fuliyay xukun dil ah.
Inkasta oo ay tirada korortay, haddana waxaa heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii ay diiwaangelinta billowday Amnesty International gaaray dalalka fuliyay xukunnada dilka ah.
Sanadkii 2023, waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika ayaa ka gaabiyay horumarkii ay sanadkii ka horreeyay ka sameeyeen xukunnada dilka ah. Sanadkii 2023 waxaa dalalkaas ku kordhay xukunnada dilka ah ee ay maxkamaduhu rideen iyo fulinta xukunnadaas, mana jirin waddan mamnuucay xukunka dilka ah tan iyo 2022.

38 xukun ee la fuliyay ayaa ka dhigan tiradii ugu sarreysay ee la diiwaangeliyay

“Xukunnada dilka ah ee laga fuliyay waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika ayaa kordhay in ka badan saddex laab, oo halkii ay 2022 ka ahaayeen 11 dil, waxa ay 2023 gaareen 38 dil, inkasta oo dhammaan kiisaskaas ay ka dhaceen Soomaaliya oo keliya. Dalalka xukunnada dilka fuliya oo 2022 ahaa laba ayaa 2023 hoos ugu dhacay hal waddan.
Hase yeeshee 38 xukun ee la fuliyay ayaa ka dhigan tiradii ugu sarreysay ee la diiwaangeliyay tan iyo 2015. Dhanka kale, xukunnada dilka ah ee ay maxkamaduhu rideen ayaa kordhay 66% oo halkii ay 298 ka ahaayeen 2022, waxa ay sanadkii 2023 gaareen 494 kiis,” ayuu yiri Tigere Chagutah oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Shanta waddan ee fuliyay xukunnada dilka ah ee ugu badnaa 2023 ayaa kala ah: Shiinaha, Iiraan, Sacuudi Carabiya, Soomaaliya iyo Maraykanka. Marka laga reebo Shiinaha, dalka Iiraan ayaa fuliyay 74% dhammaan xukunnada dilka ah ee la diiwaangeliyay, halka Sacuudiga uu fuliyay 15%. Tirada xukunnada dilka ah ee uu fuliyay Maraykanka ayaa korortay sanadkii 2023.
Tirada xukunnada dilka ah ee ay maxkamadaha caalamka rideen 2023 ayaa 20% korortay, oo gaartay 2,428.
Amnesty International ayaa diiwaangelisay 14 waddan oo ka hooseeya Saxaraha Afrika oo laga riday xukunno dil ah, tiradaas oo laba waddan ka yar middii sanadkii ka horreeyay. Marka la barbardhigo 2022, sanadkii 2023 waxaa batay tirada kiisaska xukunnada dilka ah lagu riday:
Waddan
Xukunnadii 2022
Xukunnadii 2023
Cameroon
0
1
Itoobiya
2
3
Ghana
7
10
Kenya
79
131
Mali
8
13
Niger
4
8
Nigeria
77
246
Soomaaliya
10
31
Zimbabwe
0
3
“Xukunka dilka ah waxa uu meel ka dhac ku yahay xuquuqda aadanaha oo marka la fuliyo lagama noqon karo. Soomaaliya iyo waddamada Afrika ee weli ku dhaqma xukunka dilka ah waxaa looga baahan yahay in ay gobolka intiisa kale la jaanqaadaan oo ay mamnuucaan xukunka dilka ah,” ayuu yiri Tigere Chagutah.
“Dhammaadkii 2023, hindise sharciyeedyo lagu mamnuucayo xukunka dilka ah ayaa la yaallay baarlamaannada Kenya, Liberia iyo Zimbabwe, tallaabadaas oo cusbooneysiinaysa rejada laga qabo in caalamka uu ka xoroobo xukunka dilka ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay Tigere Chagutah.

Dalalka Xogtooda Qariya

Amnesty ayaan warbixintan ku darin dalalka xogtooda qariya, sida Shiinaha oo la rumaysan yahay in kumannaan qof lagu fuliyay xukunno dil ah. Dalkaas ayaa ah kan hoggaanka u haya fulinta xukunnada dilka ah ee caalamka oo dhan. Sidoo kale, hay’addu ma aysan soo bandhigin tirada xukunnada dilka ah ee ka dhacay Kuuriyada Waqooyi iyo Vietnam oo la rumaysan yahay in ay si weyn u fuliyaan xukunnadaas.
Hase yeeshee tirada kooban ee lagu xusay warbixinnada rasmiga ah ee ka soo baxaya dalalkaas ayaa u muuqda kuwo farriin cad loogu dirayo shacabka, taas oo ah in dembiyada iyo dowlad-diidnimada ay horseedaan xukun dil ah, kaasoo u muuqda aalad ay xukuumadaha dalalkaas ku ilaalinayaan awooddooda iyo ka hortagga kacdoon ka dhan ah.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa soo bandhigtay warbixinno shacabka lagu xusuusinayo in dadka lagu helo dembiyada ay kamidka yihiin ka ganacsiga daroogada iyo laaluushka ay mutaysan doonaan xukun dil ah. Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay sharci cusub oo dadka diida in ay adeegsadaan luuqada Kuuriyaanka lagu xukumi karo dil. Taliska milateriga ah ee xukuma Myanmar ayaa qaar kamid ah dadka la soo taago maxkamadaha ciidanka ku rida xukun dil ah, hannaankaas oo ah mid ay waxbadan ka qaldan yihiin, cadaaladdana ka fog.

Caqabadaha marka laga tago, waxaa jira horumar

Inkasta oo ay jireen ficillada dalalkaas kooban, dhanka kale waxaa socda horumar. Maanta, 112 dal ayaa si buuxda u mamnuucay xukunka dilka ah, halka wadarta 144 ay joojiyeen xukunka dilka ah sharci ahaan iyo fulin ba.
Fulinta xukunka dilka ah ayaa laga diiwaangeliyay 16 waddan, tiradaas oo ah tii ugu yareyd ee ay diiwaangeliso Amnesty International. Ma jirin xukun dil ah oo laga fuliyay dalalka Belarus, Japan, Myanmar iyo South Sudan oo dhammaantood xukunno dil ah fuliyay 2022.
Qaaradda Aasiya, waddanka Pakistan ayaa joojiyay in xukun dil ah lagu fuliyo dadka lagu helo dembiyada la xiriira daroogada, halka Malaysia ay laashay xukunka dilka ee waajibka ah. Maamulka Sri Lanka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uusan rabin inuu saxiixo xukunnada dilka ah ee loo soo gudbiyay, taas oo hoos u dhigtay walaaca laga qabo in dalkaas uu dib u billaabo fulinta xukunka dilka ah.
“Xukunka dilka ah waxaa markale sanadkan looga doodi doonaa kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Amnesty International waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dowladaha in ay taageeraan baaqa Qaramada Midoobay ee lagu joojinayo xukunka dilka ah, taas oo muhiim u ah ilaalinta xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Tigere Chagutah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News