Ciidamada dowladda oo isaga baxay degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

|

Jowhar (KAAB TV) – Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Arbaca ah ay isaga baxeen xaafadda Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaankan oo sanadkii hore laga saaray Al-Shabaab ayaa ah deegaan muhiimad gaar ah leh, wuxuuna ku yaalaa hareeraha Wabiga Shabeelle.

Al-Shabaab ayaa maleeshiyaad badan soo dhoobay duleedka tuulada si ay u qabsadaan .

Ciidamada ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay tuulooyinka Shanlow, Dhagaxow iyo Farbaraki oo dhamaantood dhaca duleedka deegaanka Xawaadley.
Dadka deegaanka Xawaadley ayaa ka baqdin qaba in uu dagaal ku dhex maro xaafadaasi iyo ciidamada dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News