MUQDISHO (KAAB TV) – Isagoo ku guda jira horumarada dhanka bini’aadantinimada ee Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SODMA), Maxamuud Macallin waxa uu la kulmay safiirrada Soomaaliya u fadhiya dalal kala duwan.
Guddoomiyaha ayaa kala hadlay safiirrada caqabadaha kala duwan ee horyaalla Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada ee sababay barakaca iyo nolosha dadka.
Danjirayaasha ayaa si kal iyo laab ah u ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda, waxa ayna u caddeeyeen Guddoomiyaha in ay diyaar u yihiin in dadka Soomaaliyeed ay ka caawiyaan arrimaha bini’aadantinimada.
Wadashaqeynta SODMA iyo safiirada dalalka kala duwan ayaa cadeyn u ah sida ay beesha caalamka uga go’an tahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka taageerto dadaallada ay ku maareyso musiibooyinka dabiiciga ah iyo xasaradaha bini’aadantinimo.
Qaybinta cuntada, agabka aan cuntada ahayn iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee wakhtiga ku habboon ayaa ka tarjumaysa habka dhammaystiran ee SoDMA Soomaaliya ee maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka bini’aadantinimo, iyada oo mudnaanta siinaysa fayoobida iyo adkaysiga bulshooyinka ay dhibaatadu saamaysay. Iyadoo loo marayo tallaabooyin firfircoon iyo waxqabadyo waqtiyeysan, hay’addu waxay dooneysaa inay xoojiso adkeysiga bulshada, iyo horumarinta horumarka waara ee Soomaaliya oo dhan.

