Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Oo Shaaciyay In Ciidamo Afrikaan Ah La Geynayo Si Ay U Bedelaan Ciidamada Itoobiya Ee Baxaya.

|

MUQDISHO (KAAB TV) – La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin Cali ayaa sheegay in “Ciidamo kale oo Afrikaan ah la geyn doono meelaha ay baneeyeen ciidamada Itoobiya, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)”.

Tallaabadan istaraatiijiga ah ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Itoobiya ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin, iyadoo walaac laga muujinayo dal-daloolooyin amni oo ay ka faa’ideysan karaan xoogagga Al-shabaab.

Xuseen Macallin Cali ayaa ka hadlay tabashooyinka shacabka ee la xiriira ka bixitaanka, isagoo ku nuux-nuux saday in dowladdu aysan hirgelin qorshe indho la’aan ah oo qaranka halis gelinaya. Taas beddelkeeda, wuxuu xaqiijiyey in beddelka ciidamada Itoobiya ay qayb ka tahay istiraatijiyad socda oo si wanaagsan looga fiirsaday.

“Dowladdu way ka warqabtaa su’aalaha ay dad badan qabaan ee ku saabsan khatarta ka dhalan karta haddii ay ciidamada Itoobiya baxaan. Si kastaba ha ahaatee, ma wadno qorshe qaranka khatar gelinaya. Si rasmi ah ciidamo kale oo Afrikaan ah ayaa la geyn doonaa goobaha ay hadda ka baxayaan ciidamada Itoobiya,” ayuu yiri Macallin.

Go’aanka ah in ciidamada Itoobiya lagu bedelo ciidamo kale oo Afrikaan ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo xasiloonida, loogana hortagayo in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigaan deegaanadaas. Xuseen waxa uu carabka ku dhuftay in tallaabadani ay qayb ka tahay istaraatiijiyadda ballaaran ee lagu hagaajinayo laguna xoojinayo qaab-dhismeedka amniga maadaama ATMIS-ku uu horumarayo.

Mustaqbalka ATMIS iyo doorka ciidamada Itoobiya ayaa ahaa mowduucyo si weyn looga hadlay, gaar ahaan howlgallada ciidan ee socda iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada Afrika. Xuseen waxa uu xaqiijiyey in hawlahani ay yihiin kuwo la isku dubariday oo “ay qayb ka yihiin qorshaha guud ee dawladda ee lagu xaqiijinayo amniga qaranka.”

Waxa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay Dowladda Federalka inay ku guulaysato kala-guur amni oo ay hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay ilaalinta Madax-bannaanida iyo Ammaanka Somalia, iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyada Hawlgalladda Milliteriga ee Maamul-gobaleedyadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News