BAYDHABO (KAAB TV) – Ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Baay.
Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Ufurow ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaankaasi.
Koonfur Galbeed oo war kooban kasoo saartay howlgalka ayaa sheegtay inay ku dishay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ahaa bartilmaameed.
Sidoo kale saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay warbaahinta inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaas oo dhaca Koonfurta Soomaaliya.

