Khasaaraha dagaalka Galbeedka Mudug

|

GAALKACYO (Kaab TV) – Dad ka badan 10 ruux ayaa ku dhintay dagaal beeleed shalay ka qarxay deegaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug, kaasoo salka ku haya aanooyin qabiil.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin 12 kale.

Maleeshiyaadka labada beelood oo ka kala soo jeeda Galmudug iyo Puntland ayaa la sheegayaa inay isu adeegsadeen hubka culus ee tiknikada, waxaana jira gurmadyo illaa shalay u kala imaanayey labada dhinac.

Dadka reer miyiga ayaa sheegay in dagaalka oo qarxay gelinkii hore ee Axaddii uu ku fiday tuulada Labada Maygaag iyo tuulooyin ku djow ka dib markii gawaarida tiknikada oo ay kala wataan maleeshiyaadka beelaha ay soo gaareen goobta.

Wararka saaka oo Isniin ah naga soo gaaraya deegaanka ayaa sheegaya in maanta xaaladdu ay yara qabowdahay.

Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaan weli ka hadlin colaaddan oo saameyn ku yaalatay dadweynaha rayidka ah ee labada dhinac.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News