Dagaal beeleed ka qarxay Luuq iyo suuqii degmadaasi oo la gubay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku geeriyootay degmada Luuq tiro kale oo intaa ka badana way ku dhaawacmeen ka dib dagaal culus oo galabta ka qarxay degmadaasi.

Sida ay xaqiijininayaan wariyaasha deegaanka, dagaalka oo u dhexeeya labo beelood oo wada dega Luuq ayaa salka ku haya muran ka dhashsy lahaanshiyo dhul kaasoo ay maxkamadda degmada go’aan uga gaartay balse dhinacyadu ku qanci waayeen go’aanka maxkamadda.

Gelinkii dambe ee maanta oo Jimco ah ayaa labo maleeshiyo beeleed oo ka kala tirsan beelaha Gaba Weyne iyo Macallin Weyne ay bilaabeen inay degmada ku dagaalamaan, iyadoo ka hor intuusan dagaalku qarxin mid ka mid ah maleeshiyaadka ay dileen nin kasoo jeeda dhinaca kale.

Dagaalka ayaa ku fiday hareeraha degmada.

Wariyaha Kaab TV ee gobolka Gedo ayaa soo sheegay in caawa maqribkii ka bacdi kooxo aan la garaneyn ay gubeen suuqa degmada Luuq kasoo illaa haatan gubanaya, sababayna in hanti badan ay ku basbeesho.

Ma cadda sababta loo gubay suuqa.

Hase yeeshee dadka deegaanka ayaa Kaab TV u sheegay in loo maleynayo in dhinacyada dagaalamaya kooxo ka baxsan ay gubeen suuqan oo ah kan ugu weyn ee ganacsi ee ku yaalla degmada Luuq oo ka tirsan degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo.

Dagaal beeleedyada ku soo badanaya gudaha Soomaaliya ayaa cabsi weyn ku abuuray dadweynaha, iyadoo ay yar tahay dadaallada lagu joojinayo colaadda oo dad badan ay ku dhimanayaan.

Gobollada qaarkood waxaaba jira eedeymo ah in colaadaha ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin dowladda iyo maamullada ka tirsan.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo maamulka degmada Luqq iyo midka Doolow kasoo baxay oo la xiriira dagaalka caawa ka socda degmada Luuq.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News