Kismaayo (KAAB T) – Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal dhowr jiho ah ku qaaday deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubbada hoose
Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in halkaas lagu laayay koox ka tirsan Al shabaab oo degaankaas ku sugneyd
“Jab xooggan ayaa gaaray maleeshiyaadka Argagixisada waxaana kooxda la khaarijiyay kujira horjoogayaal sar-sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato” ayuu yiri sarkaal ka tirsan taliyeyaasha howlgalkaas horkacayey.
Dhanka kale, Waxaa uu intaas ku daray in tan iyo bilowgii sanadkan Al shababa gobolka Jubbada hoose loogu dhigayay cashiro aan marnaba qalbiyadooda ka baxayn, in ka badan 100 xubnoodna looga dilay Howlgalo is xigxigay oo gobolka ay wadajir uga fuliyeen geesiyaasha Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka.

