Maamulka Puntland oo doonaya in QM ay dib u soo celiso cunaqabateynta hubka ee saarneyd soomaaliya 31-sano

|

Puntland  (KAAB TV) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa doonaya in Qaramada Midoobay ay dib u soo celiso xayiraaddii hubka ee laga qaaday 7 bilood ka hor iyadoo sheegtay in si sahlan loo heli karo hub ay hurinayso colaad beeleed.

Iyadoo ay jirto dowlad dhexe oo daciif ah oo aan lahayn hay’ado lagu kalsoonaan karo, Soomaaliya ma heysato habab lagu raadiyo hubka dalka oo si wax ku ool ah ugu jiray dagaalka in ka badan sodon sano, sida uu sheegay Cabdi Faarax Siciid, wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Bishii Disembar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaaday xayiraad saarneyd tan iyo 1992-kii, iyagoo aqoonsaday Soomaaliya xaqa ay u leedahay in ay qalabeyso ciidankeeda, iyadoo ciidamo nabad ilaalin ah ay isku diyaarinayaan inay dalka ka baxaan.

“In Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka waxay ahayd qalad weyn sababtoo ah dalku waa kala qaybsan yahay,” ayuu yiri Saacid. “Waxaan u baahanahay go’aanka Qaramada Midoobay in dib loo eego.”

Afhayeenka dowladda Farxaan Jimcaale ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan.

Aragtida Puntland ayaa daba socota dhimashada ugu yaraan 13 qof Talaadadii iska horimaad dhexmaray maleeshiyo beeleed iyo ciidamo galbinayey laba baabuur oo hub ah oo marayey bartamaha Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in khasnaddaasi ay gacanta u gashay maleeshiyaad deegaanka ah intii uu socday weerarka gaadmada ah.

Dhanka kale Kooxda Madaxbanaan ee Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku boorisay in baaritaan lagu sameeyo hubka sharci darada ah ee ku baahay dalka si looga hortago in kooxaha argagixsada ay kaydsadaan sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News