Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Mareykanka ayaa soo bandhigtay qorshe istiraatijiyadeed oo dib loogu habeynayo nidaamka xabsiyada Soomaaliya iyadoo wax looga qabanayo ciriiriga iyo ammaanka xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Danjire Richard H. Riley ayaa qorshahan ku dhawaaqay intii uu socday aqoon isweydaarsi maalintii Axadda isagoo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Mareykanka inay xoojiyaan waaxda cadaaladda ee Soomaaliya.
Danjire Riley ayaa u tacsiyeeyay qoysaskii ay ka geeriyoodeen ilaaladii lagu dilay weerarkii dhawaan lagu qaaday xabsiga wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in la helo nidaam cadaaladeed oo isku xiran oo ay ku jiraan boolis si wanaagsan u tababaran, maxkamado ku filan oo leh shaqaale iyo nidaam xabsi oo waara.
weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa muujiyay habacsanaan weyn oo dhanka ammaanka ah Shan maxbuus oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la dilay kadib markii ay qabsadeen hub, waxaana halkaasi ka dhacay rasaas culus iyo qarax. Weerarkan ayaa sababay dhimashada saddex askari oo ka tirsan ciidanka Asluubta iyo tiro kale oo dhaawac ah waxaana la iska weydiinayaa su’aalo badan oo ku saabsan qaabka uu xabsiga u sugi karo.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Sulayman Mohamed Mohamoud, ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo falkaasi, isagoo carabka ku adkeeyay in lala xisaabtami doono mas’uuliyiinta ku lugta leh. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Daahir Cabdulle Raage uu shaqada ka joojiyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed G/sare Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Guddi ka kooban 8 xubnood ayaa loo saaray dhacdadan, waxaana ku simaha taliyaha xabsiga loo magacaabay Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed.
Buuxinta xad dhaafka ah ayaa weli ah arrin xasaasi ah. Col. Hassan A Nor ‘Shuute’ ayaa horay uga digay in xabsiga dhexe ee Muqdisho oo loogu talagalay in lagu xiro 800 oo maxbuus uu hadda ku jiro tiro laba jibaaran. Xaaladaha ciriiriga ah ayaa adkeynaya in la kala saaro maxaabiista argagixisada ah iyo kuwa kale, taasoo keeneysa khataro amni oo weyn.
Qorshaha Maraykanka ayaa ujeedadiisu tahay in la casriyeeyo nidaamka xabsiga iyo wanaajinta xaaladaha. “Ciidanka Asluubta ayaa muddo dheer la ildaran tas-hiilaad la’aan, qalab, iyo agab ” Riley ayaa yiri. “Qorshaha cusub waxa uu bixiyaa khariidad ku wajahan hab wax ku ool ah oo casri ah.”
Warbixin qiimeyn ah oo ay Qaramada Midoobay soo saartay, “Xaladaha Xabsiyada ee Soomaaliya – Qiimeyn Dhameystiran” oo lagu daah furay maalinta caalamiga ah ee Nelson Mandela ayaa lagu faah faahiyay xaaladaha daran ee ka jira xabsiyada Soomaaliya. Waxay muujisay ciriiri nadaafad xumo iyo helitaan la’aanta daryeel caafimaad biyo nadiif ah iyo koronto Warbixintu waxay ku baaqday in dib-u-habayn lagu sameeyo sharciga iyo siyaasadda dib-u-habaynta xarumaha, iyo hirgelinta barnaamijyada waxbarashada iyo xirfadaha ee maxaabiista.
Aqoon-is-weydaarsiga ayaa lagu soo bandhigay “Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Hay’adaha iyo Qaybta” ee Ciidanka Asluubta, oo ay soo bandhigtay Hay’adda Sharciga Horumarinta Caalamiga ah (IDLO) oo ah shuraako SOMJUST ah Qorshuhu wuxuu doonayaa in lagu xalliyo arrimaha muddada dheer soo jiray sida tas-hiilaadka iyo agabka aan ku filnayn ee gudaha Ciidanka Asluubta.
“In ka badan sagaal sano waxaan ku taageernay waaxyaha Cadaaladda Booliiska iyo Asluubta ee Soomaaliya tababaro, qalabeyn iyo taageero howleed ballaaran ” Riley ayaa yiri Wuxuu xusay in barnaamijka cadaaladda Soomaaliya ee SOMJUST uu ka caawiyo hay’adaha cadaaladda dambiyada inay bixiyaan adeegyo cadaalad ah oo hufan oo lala xisaabtami karo.
Maraykanku waxa uu ku maalgeliyay in ka badan $115 milyan si uu u taageero dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagu dhisayo sharci fulinta iyo awoodda caddaaladda. Hindisayaasha sida Machadka Tababarka Garsoorka ayaa u tababaray xeer-ilaaliyeyaal, garsoorayaal iyo baarayaal si ay wax uga qabtaan dambiyada adag oo ay ku jiraan lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada.
“Mabda’a ina hagaya ayaa ah in dib-u-habaynta cadaaladda ee ay Soomaalidu hoggaamiso iyo ugu dambaynta ay Soomaalidu wax ka tari doonto ku-xukunka sharciga ee Soomaaliya taasoo aasaas u ah dimoqraadiyadda,” ayuu yiri Riley.

