SO | EN

SO | EN

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo shir jiraa’id ku qabtay Muqdisho oo ka hadlay xaalada dalka uu kujiro

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo talaabadii labada aqal ee baarlamanku ay ku ansixiyeen dalabkii madaxweyne xasan shiikh ee ahaa in fasaxooda dib u dhigaan muddo bil ah si loo horkeeno sharciga doorashooyinka.

Sidoo kale, Shariif ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen dadkii ku naf waayey dagaalo maanta ciidamo ka wada tirsan DF ku dhexmaray agagaarka Ex-kontrol Afgooye, isagoo arrin nasiib daro ah ku tilmaamay in ciidamadii shacabka ka difaaci lahaa cadowga ay dhexdooda dagaalamaan si loo baneeyo dhul dan guud ah oo shacab ay ku nool yihiin

“Wiilka askariga ah ee shacabkiisa iyo qarankiisa ka difaacaya cadowga marka reerkiisa laga barakiciyo meesha ay ku nool yihiin isagoo furunta jira, loona soo diro mid kale oo ay aheyd iney isgarabsadaan waxaa ka dhalan kara waa la garan karaa” ayuu yiri Sheekh Shariif

Madaxweynihii hore ayaa isweydiiyey dhulalka ay DF baneysay sanadihii la soo dhaafay hal dhul oo dan guud lagu fuliyey ama laga dhisay isbitaal ama Wasaarad.

“Wasiir Hotel qol ka dagan ayaa lagu qasbaa inuu Warqad qoro si Wiil Furinta jooga qoyskiisa dhulkii ay daganaayeen dan gaar ah looga barakiciyo oo mid wax heysta la siiyo”

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa wax lala yaabo ku sifeeyey talaabadii uu baarlamanka DF ku ansixiyey dalabkii madaxweynaha ee ahaa iney muddo bil ah fasaxooda dib u dhigaan si ay u ansixiyaan sharciga doorashooyinka.

Sikastaba, madaxweyne Shariif waxaa uu  sheegay in madaxweynuhu ku hadaaqayo doorasho dadweyne iyadoo ay maqan yihiin qaar ka mid ah maamulada xubnaha ka ah DF “Qolo sharciga ku tumaneysa oo dalka dhinac walba ka boobaya ma qaban karaan doorasho qof iyo cod” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News