Tehran (KAAB TV) – Weerar lagu qaaday magaalo ku taal bartamaha Israa’iil subaxnimadii saaka ayaa waxaa ku dhaawacmay 11 qof iyadoo hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran uu wacad ku maray inuu jawaab ciqaabeed ka bixin doono weerarkii Israa’iil ee todobaadkii hore.
Sidoo kale, Seeriga ka diga duullaanka cirka ayaa laga maqlayay bartamaha Israa’iil, ka dib dhowr gantaal oo laga soo riday Lubnaan subaxnimadii hore.
Qaar badan oo ka mid ah ayaa waxaa dhexda u galay difaacyada cirka ee Israa’iil, halka qaar kalana ay ku dheceen meelo kala duwan.
Dhanka kalwe, adeegga gurmadka degdega ah ee Magen David Adom ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen firirka iyo muraayadaha ka sameysan dhismo ku yaalla Tira, oo ah magaalo ay ku badan yihiin Carabta Israa’iil.
Saddex ka mid ah ayay xaaladoodu dhexdhexaad ahayd, halka kuwa kalena ay soo gaareen dhaawacyo fudud.
Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray saqafka sare iyo dabaqa sare ee dhismahan oo ka kooban saddex dabaq iyo baabuur hoostiisa taallay.
Kooxda Xisbullah ee ay taageerto Iran ayaa Sabtidii sheegtay inay u adeegsatay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay u beegsato xarumaha militariga iyo sirdoonka ee waqooyiga iyo bartamaha Israa’iil.
Waxay sheegatay mas’uuliyadda gantaallada lagu soo riday saldhigga ciidanka Israa’iil ee Cutubka 8200 ee Glilot, oo ku yaal cidhifka Tel Aviv, iyo gantaalo lagu riday xarumaha millatariga ee Zvulun. Hezbollah waxa kale oo ay sheegtay in ay bartamaha Israa’iil ku beegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Saldhigga Palmachim Air Base, iyaga oo sheegay in ay “si sax ah u garaaceen bartilmaameedyada.”
Hezbollah ayaa sheegtay in weerarkii waaberigii sabtidii lagu beegsaday Glilot uu ahaa mid looga aargoosanayay “xasuuqa” ay geysanayso Israa’iil eeTira, waxay qiyaastii 20 kiiloomitir (12.5 mayl) u jirtaa Glilot.
Tamar Abdel Hai oo ka mid ah dadka deegaanka Tira ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid cabsi badan. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda dalalka Carabta iyo madaxda Israa’iil iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta joojinta dagaalkan.,” ayuu yidhi.
Hezbollah ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalyahanadeeda ay gantaallo ku garaaceen waqooyiga Israa’iil magaalooyinka Dalton, Yesud HaMa’ala iyo Bar Yohai.
Warbaahinta Israel ayaa soo bandhigtay muuqaalo muujinaya burbur la sheegay in ay geysatay diyaarad aan duuliye lahayn oo duqeysay warshad ku taal waqooyiga Nahariya. Ciidanka ayaa sheegay in dhowr diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn ay kasoo gudbeen Lubnaan una galeen Israa’iil,
Duqeyn ay Israa’iil ka geysatay duleedka koonfureed ee Beirut galabnimadii maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay 11 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.