SO | EN

SO | EN

Ilhaan Cumar oo ku guuleystay doorashada kursigeeda Congress-ka Mareykanka

|

New York (KAAB TV) – Dalka Mareykanka waxaa ka socota doorashada dalkaasi oo si weyn ugu loolamayaan labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriya, waxaana natiijada doorashada tahay mid si weyn loo wada sugayo.

Sidoo kale, gabadha asalkeeda Soomaaliga yahay ee Ilhaan Cumar, ayaa guul weyn ka gaartay doorashada si ay usii heysato kursigeeda aqalka Congress-ka ee Mareykanka.

Dhanka kale, guushan Ilhan Cumar ayaa timid kaddib markii ay wajahday isku dayo kooxo taageersan Israa’iil ay ku doonayeen inay meesha ka saaraan Ilhaan oo matalaysa xaafadda shanaad ee gobolka Minnesota, waxayna la tartamaysay Dalia al-Aqidi oo ka socotay xisbiga Jamhuuriga, taa oo asal ahaan ka soo jeeda Ciraaq, waxaanay isku tilmaantay inay tahay Muslim cilmaani ah, isla markaana taageersantahay Israa’iil, taasoo ka duwan Ilhaan oo si weyn u taageersan xuquuqda Falastiin.

Sikastaba, Ilhaan ayaana doorashada dhacday ku guuleystay 76.4 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka Aqidi ay heshay 23.6 boqolkiiba, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News