SO | EN

SO | EN

Taliyaha ciidanka Difaaca Kenya oo booqday saldhiga ciidamada Kenya ku leeyihiin Dhoobleey

|

Dhoobley (KAAB TV) – Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya, Jeneraal Charles Kahariri ayaa Talaadadii booqday Qaybta 2-aad ee ATMIS oo saldhigoodu yahay Dhoobley si uu u qiimeeyo daryeelka iyo diyaargarowga ciidanka.

Sidoo kale, Jeneraal Kahariri ayaa ammaanay xirfadda iyo nafhurnimada ciidanka ay hurayaan xasilinta Soomaaliya, wuxuuna dib u xaqiijiyay taageerada Kenya ee Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo ee AUSSOM.

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan ciidanka Kenya oo ay ku jiraan Sarreeye Guuto Faustino Lobaly & Gaashaanle Sare Meshack Kishoyian ayaa Taliyaha Ciidanka ku wehliyay booqashada. ATMIS iyo qeybaheeda.

Dhanka kale, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, ahna madaxa ATMIS Danjire Mohamed El-Amine, ayaa Talaadadii Xarunta sare ee hawlgalka kula kulmey ku xigeenka agaasimaha guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Afrika, Mathieu Briens iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Waxay ka wadahadleen u guurida hawlgalka cusub ee AUSSOM, taageerada Midowga Yurub, iyo xaaladda siyaasadeed & amni ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News