Hargeysa (KAAB TV) – Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay caalamka tafaasiil kaga siisay doorashooyinka Somaliland iyo xasaradaha ka taagan gobolka Geeska Afrika.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ku faraxsan tahay in ay beesha caalamka u sheegto horumarka baaxadda leh ee ay Somaliland ka samaynayso u diyaar-garowga doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo axsaabta ee loo qoondeeyey inay qabsoomaan 13-ka bisha November 2024-ka, iyo in ay wax ka qabato caqabadaha ammniga ee saameeya geeddi-socodka dimuqraadiyadeed.”
Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay sheegtay in Komishanka doorashooyinka Somaliland ay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo xaqiijinaya kalsoonida iyo hufnaanta doorashadan waxaanay soo gebagebeeyeen hubinta diwaan geinta codbixiyayaasha.
Waxa kaloo ay wasaaraddu tilmaantay in Komishanku dhammaystireen aqoonsiga magacaabista murrashaxiinta, iyadoo la raacayo xeerar anshax oo hore loo dejiyay, geesta kalena waxa ay hubiyeen miisaaniyada lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.
Waxa War murtiyeedku intaas ku daray in Ruqsad siinta goob joogayaasha caalamiga ah ay hawsheeda u socoto Komishanka doorashooyinka oo sii xoojinaya hufnaanta doorashada.
Xukuumaddu waxa iftiimisay in saraakiisha guddida doorashada loo kala diray dhammaan gobollada dalka, si ay u kormeeraan goobaha codbixinta.