New York (KAAB TV) – Markii ugu horeysay Taariikhda America Haweeney ayaa loo magacaabay, Madaxa Shaqaalaha ee Aqalka Cad (Cheif of staff).
Sidoo kale, Susie Wiles oo aheyd madaxii ololaha doorashada Trump ee sanadkaan ayaa noqotay Qofkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha la doortay uu magacaabo.
Ilaa 2016-kii ayey la soo shaqeyneysay Trump iyadoo 2024 Guusha u keentay maadaama eey aheyd madaxii olalahiisa doorashada.
Dhanka kale, rag badan ayaa xilkan aad u raadinayey balse Madaxweynaha ayaa iyada ka doortay maadaama la soo halgantay daacadna u aheyd, guusha uu gaaray hoggaamineysay.
Sikastaba, Trump ayaa la filayaa inuu xilka madaxweynaha Mareykanka la wareego 20ka bisha Janaayo ee sanadka 2025 isagoo mudada intaas ka horeysana magacaabaya masuuliyiinta ka mid noqonaya maamulkiisa afarta sano ee soo socota.