Addis Ababa (KAAB TV) – Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA) ee dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya ayaa ballaarisay weerarrada ay ka geysanayaan gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromia.
Sidoo kale, OLA ayaa tan iyo toddobaadkii hore 48 qof oo mas’uuliyiin deegaan ay ku jiraan ku dishay gobolka, tiro kalena afduubay, sida ay ku warrantay Wakaaladda wararka ee AFP.
Weerarrada dhimashada badan ay ka dhasheen ayaa ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Waxaa la soo sheegayaa iney ka jirto gobolkaas xaalad degganaasho la’aan ah, iskudayda lagu doonayo in lagu xalliyo colaadda gobolkaa ka taagan tan iyo 2018-kii ayaa lagu guul-darraystay.
Dhanka kale, dawladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa u aqoonsatay koox aragagixiso ah Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA) oo diidan siyaasadaha uu dalkaas u maamulayo.
Sikastaba, Jabhadaha OLA ee oromada iyo FANO oo ah axmaarada ayaa dagaal xoogan kula jira xukunka Abiy Ahmed kaasoo gobolo badan ku fiday bilihii la soo dhaafay, waxayna jabhadahaas u dagaalamayaan sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen abiy ahmed iyo dowladiisa.