Lubnaan (KAAB TV) – Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaa gantaal nuuca balaastica ah ku garaacay saldhig ciidan oo leeyihiin milatariga Israa’iil, waxaana saldhigga la weeraray yaallay diyaarado dagaal iyo qalab kale oo muhiim ah ay leeyihiin milatariga Israa’iil.
Sidoo kale, afhayeenka dhinaca militariga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic, ayaa sheegay in ay gantaal ballistic ah ku dhufteen saldhigga ciidanka cirka Israa’iil ee lagu magacaabo Nevatim, kaa oo kuyaalla meel ku dhow saxaraha Negev.
Dhanka kale, Saldhigan ay weerareen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaa kamid ah saldhigyada militari ee ugu muhiimsan Israa’iil leedahay, kaa oo ay yaalaan nooc kasta oo diyaaradaha dagaalka ee ay ku hubeysan yihiin ciidanka cirka Israa’iil.
Afhayeenka Xuutiyiinta , ayaa sidoo kale sheegay in hawada gobolka Al Jawf ee dhulka Yemen in ay ku soo rideen diyaaradda aan duuliyahan lahayn ee Mareykanka ee MQ-9 Reaper oo qiimaheedu joogo 32 milyan oo dollar, waa diyaaraddii 11-aad oo ay Xuutiyiinta soo ridayaan tan iyo November sannadkii hore.
Sikastaba, Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa xoojiyay duqeymaha iyo weerarada gantaalaha ay ku qaadayaan gudaha Israa’iil, waxa ayna Xuutiyiinta duqeymahan ku taageerayaan ururka Xamaas ee ka dagaallama magaalada Gaza, kuwaa oo dagaal adag kula jira Israa’iil.