SO | EN

SO | EN

Dowladda Qatar oo ka baxday dhex-dhexaadinta dagaalka Isra’iil & Ururka Xamaas

|

Doxa (KAAB TV) – Dawladda Qatar ayaa ka baxday dhexdhexaadinta wada-xaajoodyada lagu raadinayay heshiis xabbad-joojinta Qaza, iyadoo arrintaas ku wargelisay Xamaas iyo Israa’iil, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Sidoo kale, Qatar waxay laf-dhabar u ahayd dadaallada lagu raadinayay heshiis xabbad joojin ah oo laga gaaro dagaalka Qasa, balse waxaa fashilmay heshiis kasta, maaddama aanan lagu soo darin soo afjarida dagaalka Qaza

Dhanka kale, talaabadan ayaa ku soo aadaysa xilli ay soo baxday inay Qatar ku wargelisay hoggaanka Xamaas inay ka baxaan Dooxa oo ay xiraan xafiiskooda, wallow illaa hadda uusan jirin war ka soo baxay dhinaca dawladda Qatar oo lagu diidday ama lagu xaqiijiyay go’aanka la sheegay inay ku cayrisay hoggaanka Xamaas.

Ciidanka Israa’iil ee duullaanka ku qaaday koonfurta Lubnaan ayaa sheegay  dagaalyahannada Xisbullah inay adeegsanayaan habka dagaalka ee ay ku soo arkeen Qaza oo ah dagaal ku dhisan “Ku dhufo oo ka dhaqaaq”, iyagoo ku sheegay adeegsiga habkan dagaal inuu sabab u noqonayo dagaal daba dheerada oo aan natiijo lahayn, sida uu ku warramay telefishinka Al Jazeera oo xiganaya warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhibtoonaya muddo ka badan bil inay awood u yeeshaan la wareegista deegaannada ku yaalla xadka Lubnaan, waxayna halkaa kula kulmeen dagaal ay ku lumiyeen saraakiil sare iyo askar badan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News