Moscow (KAAB TV) – Ciidamada cirka ee dowladda Ukraine ayaa weeraro culus oo loo adeegsaday diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ku qaaday qeybo kamid ah gobolada dalka Ruushka, waxa ayna weeraradaasi qalqal badan ku abuureen shacabka Ruushka.
Sidoo kale, war kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka, ayaa lagu sheegay in ay kahor tageen 84-diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn oo lagu soo weeraray qeybo kamid ah dalkooda, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in diyaaradahaasi hawada lagu burburiyay.
Dhanka kale, goobaha diyaaradahan lagu weeraray ayaa waxaa ku jira magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, waxa uuna weerarkan sababay in qaar kamid ah duulimaadyadii caalamiga ahaa ee tagayay Moscow loo weeciyo goobo kale.
Warbaahinta Ruushka ayaa shaaciyay in shan qof ku dhaawacmeen dhowr gurina dab qabsaday kaddib markii duqeymaha Ukraine ku dhaceen degmada Ramenskoye, oo ku taal koonfur-galbeed ee Moscow, waxaa sidoo kale aagaasi lagu soo riday 34 diyaaradood oo kale.
Weerarkan Ukraine ku qaaday dalka Ruushka ayaa lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee diyaarado u adeegsadaan ay ku qaadaan Ruushka, waxa uuna weerarkan jawaab u ahaa weerar kan lamid ah oo Ruushka ku qaadeen inta badan gobolada dalka Ukraine.