Muqdisho (KAAB TV) – Wareegto goordhaw kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadam Macallin, ayaa shaqada looga joojiyya maareeyihii kumeel gaarka ahaa ee Hay’adda dhowrista xogta Maxamed Axmed Cali (Royal).
Sidoo kale, Wasiirka ayaa wareegtada uu soo saaray ku sheegay in sababaha shaqada looga joojiyay Maxamed Royal ay tahay in uu ku kacay falal curyaaminaya habsami u socodka howlaha hay’adda, sidoo kale ku kacay falal ka baxsan hab-dhaqanka saraakiisha sar sare ee dowladda.
Dhanka kale, Maareeyaha shaqada laga joojiyay ayaa maalmihii lasoo dhaafay baraha uu bulshada ku leeyahay kusoo qorayay qoraalo uu ku dhaliilayay hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh , uu horey uga mid ahaa dadkii u ololeeyay aadkana ugu dhawaa.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadam Macallin, ayaa Daa’uud Cabdi Xuseen oo horey kuxigeen ugu ahaa Maxamed Royan hadda u magacaabya kusimaha maareeyaha KMG ee Hay’adda dhowrista xogta.