Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda DF Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in ay jiraan Danjirayaal ajaanib ah oo joogo Muqdisho, kuwaa oo ku xad gudbay madaxbannaanida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in safiirro shisheeye oo dalka jooga in ay tageen magaalada Hargeysa oo ka dhaceysay doorashadii Madaxweynaha iyo tan xisbiyadda, waxa uuna sheegay in safiiradaasi sameeyeen xadgudub ayna kala xisaabtami doonaan.
Dhanka kale, waxa uu sheegay wasiirka in safiirada tagay Hargeysa mar ay hadlyaeen ay qarinayeen dalka ay safiirada ka yihiin, waxa uuna xusay in kaliya isku soo koobayeen magacyadooda iyo dalalka ay kasoo jeedaan, iyaga oo magaca ka ilaalinayay dalka ay matelaan.
”Waxaa nasiibdarro ah in halkaasi safiirro hadallo ka jeediyeen, safiirku qarinayo dalka uu safiirku ka yahay, uu leeyahay dal hebel ambasadoorkeeda ahay, qaarkood waxa ayba dal u aqoonsadeen Somaliland, dalka Soomaaliya waa hal dal, laakin nin safiir ah oo Soomaaliya loo soo xil saaray dal yiraahdo Somaliland kama yeeleyno” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay safiirka dowladda Spain u jooga Soomaaliya, kaa uu tilmaamay in uu dal ku tilmaamay maamulka gooni u goosadka ee Somaliland, waxa uuna caddeeyay in safiirkaasi ay u yeereen ayna kala xisaabtami doonaan hadalladiisa.
Sikastaba, hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Hargeysa dhawaan goobjoog ahaan u tageen safiirro Muqdisho u jooga qaar kamid ah dalalka caalamka , kuwaa oo indho indheenayay sida ay u dhaceysay doorashada Somaliland.