SO | EN

SO | EN

Musharaxiinta utartameysa qabashada xilka madaxweynaha Jubbaland oo qaatay shahaadada musharaxnimo

|

Kismaayo (KAAB TV) – Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha maamulka Jubbaland, ayaa goordhaw diiwaangeliyay musharaxii ugu horreeyay oo u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo doorashadiisa dhaceyso maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 25-ka November.

Sidoo kale, musharax madaxweyne Dr Cabdi Xassan Xajiin, ayaa saakay buuxiyay shuruudihii looga baahnaa xubnaha isku soo taagaya xilka Madaxweynaha, waxaana musharaxan la siiyay shahaado caddeeneysa in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in maanta  is diiwaangaliyaan musharaxiin kale oo u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland, kuwaa oo doonaya in tartan la galaan Madaxweyne aan dhicin ee maamulkaasi Axmed Madoobe oo mar kale sharaxan.

Dhanka kale, doorashada ka dhaceysa magaalada Kismaayo ee lagu dooranayao Madaxweynaha cusub ee Jubbaland, ayaa ah mid hadda lasii ogyahay natiijadeeda, waxaana doorashada kusoo baxaya Axmed Madoobe, halka musharaxiinta la tartameysa yihiin malxiis oo kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News