Nairobi (KAAB TV) – Kulan ka dhacay safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa si wadajir ah heshiis lagu soo gunaanadaayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa Dowladda Soomaaliya, kala saxiixday safiirka dowladda Faransiiska ufadhiya Nairobi Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige.
Sidoo kale, heshiiskaan ayaa waxa uu soo maray wada xaajood wajiyo badan lahaa, sidoo kalena daba socda go’aan kii ay gaareen horaantii sanadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club ayaa maanta suuro galiyay in Dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar taas oo Dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda deymaha.
Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab istaageen Dowladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ay ku lahaayeed Dowladda.
Sikastaba, dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan gelineysa sidii loo dhameystiri lahaa hannaanka deyn cafinta oo soo gabagaboobay dabayaaqadii 2023-kii, Wasaaradda Maaliyadda oo hormuud u ah wada-xaajoodka shaqsi shaqsiga ah ee dalalka deymaha leh ayaa hada rajo weyn ka qabta gaba gabeynta hannaanka lagu tirtirayo dhammaan deymaha lagu lee yahay Soomaaliya.