SO | EN

SO | EN

Xildhibaan Cabdi Xaashi “Senator Gaagaab Waxa Uu Naftiisa U Huray U Adeegista Qaranka”.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa bogaadiyay Marxuum Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa halyey Qaran oo naftiisa u huray u adeegidda dalka.

Cabdi Xaashi oo ka hadlayay Senator-ka oo dhawaan geeriyooday, waxa uu carabka ku dhuftay taariikhdii dheereyd ee Gaaagaab uu ku soo jiray adeegga bulshada iyo sida ay uga go’an tahay horumarka Soomaaliya. Waxa uu xusay in mudanaha geeriyooday uu dhowr iyo toban sano dowladda ka soo qabtay xilal badan oo muhiim ah.

“Waxa aanu markii ugu horreysay ku kulannay 1943-kii Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyada, halkaas oo aanu ka wada shaqaynay. Senator Gaagaab waxa uu soo qabtay xilal badan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Badhaadhe, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, waxa kale oo uu ka mid ahaa guddida tifaftirka wargeyska Ogaal,” ayuu yidhi Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku nuux-nuux saday in Senator Gaagaab uu mar walba u taagan yahay horumarinta Soomaaliya, isagoo soo shaqeeyay waqtiyo kala duwan oo muhiim u ah qaranka, sida xilligii dowladdii milateriga ahayd ee muddada dheer jirtay, kacdoonadii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyo dadaalladii ugu dambeeyay ee dib u dhiska dalka.

“Waxa uu ahaa shaqsi markasta mudnaanta siiya horumarka qaranka, si weyna uga qaybqaata horumarkeeda intii uu noolaa,” ayuu raaciyay Cabdi Xaashi.

Marxuum Senetor Gaagaab ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa hogaamiyihii Soomaaliya uga tagay waxqabad muuqda iyo waxqabad muuqda. Alle ha u naxariisto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News