Afgooye (KAAB TV) -Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa faah faahin ka bixisay hawlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Jambaluul oo ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo hoos yimaada Maamulka Koonfur Galbeed.
Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay NISA, howlgalka ayaa lagu soo afjaray afar ka mid ah dagaalyahannada kooxda ‘AS’, kuwaas oo la sheegay in ay dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka wadeen kooxda. Hay’addu waxay ku tilmaantay hawlgalkan inuu qayb ka yahay dadaallada lagu burburinayo shabakadaha ‘AS’ ee gobolka.
Howlgallo ka dhan ah argagixisada oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada ‘AS’ ayaa hadda ka socda gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasilloonida caasimadda iyo gobollada dalka.
Dadaalladan ayaa lagu soo waramayaa in ay isugu jiraan kuwo toos ah oo dhanka dhulka ah iyo duqeyn dhanka cirka ah, iyadoo ciidamada dowladda Federaalka ay garab ka helayaan ciidamada isbaheysiga ah ee duulaanka ku ah sida ay wararku sheegayaan.
Hawlgalladan joogtada ah ee sida ay sheegeen hay’adaha ammaanku waxay ujeeddadoodu tahay in laga takhaluso khataraha kooxda xagjirka ah iyo soo celinta xasilloonida meelaha ay dhibaatadu saameysey.