Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku cadaadineysa shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgalla in ciidamo dheeraad ah diyaaradahooda ku geeyaan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, xilli maamulka Jubbaland arrintaasi uga digayo shirkadaha.
Sidoo kale, Shirkadaha diyaaradaha ayaa diiday in ciidamo ku daabulaan diyaaradahooda, waxa ayna taasi keentay in dowladda Soomaaliya shalay joojiso in wax duulimaad gudaha ah ay sameeyaan shirkadaha diyaaradaha, taa oo caqabad ku noqotay dad badan oo u safri lahaa shalay qaar kamid ah gobolada dalka.
Dowladda Federaalka ayaa hadda ku cadaadineysa shirkadaha in ay aqbalaan amarkeeda ah in diyaaradaha ciidamo u daabulaan Raaskanbooni si loogu fasaxo shaqadooda, haddii ay diidaana lagu soo rogayo xanibaad kale oo dheeraad ah.
Dhanka kale, maamulka Jubbaland ayaa sheegay in hubka lidka diyaaradaha geeyeen meel aan ka fogeyn deegaanka Raaskanbooni, waxa ayna ku hanjabeen Jubbaland in ay soo ridi doonaan diyaaradii ciidan iyo saanad geysa deegaanka Raaskanbooni.
Diyaarad la sheegay in shalay galab hub iyo saanad kale oo ciidan ka dejisay Raaskanbooni ayaa lagu riday qoryaha lidka diyaaradaha, waxa uuna TV-ga ku hadla afka maamulka Jubbaland baahiyay in diyaaradaasi ay si dirqi ah ku badbaaday.
Sikastaba, Shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgalla ayaa waxaa heesta labo daran mid dooro, in shirkadaha ay halis galiyaan diyaaradahooda iyo duuliyaasha la socda iyo in ay halis gasho in ay kasii shaqeeyaan gudaha dalka haddii ay amarka dowladda diidaan.