SO | EN

SO | EN

Diyaarad Milateri oo siday saraakill Itoobiyaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka degtay Kismaayo

|

Kismaayo (KAAB TV) – Warar lagu kalsoonyahay oo ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in diyaarad milateri ay ka degtay halkaas, taas oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale, Saraakiishan ayaa u tagay halkaas la kulanka madaxda Jubbaland oo haatan wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay khilaafka sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya madaxda sare ee DF.

Dhanka kale, madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Max’uud Sayid Aden ayaa ka dagay magaalada Addis Ababa galabta, isagoo halkaas wada hadal kula yeelanaya dhinaca Itoobiya.

Itoobiya ayaa kumanaan Askarteeda u daabushay xaduudaha Soomaaliya maalmihii la soo dhaafay kuwaas oo ka soo gudbay xadka Doolow ee gobolka Gedo.

Sikastaba, Axmed Madoobe oo ka faaiideysanaya khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa garab siyaasadeed ka helaya ciidamada iyo saraakiisha Itoobiya si ay uga difaacaan duulaanka ciidamada DF qorsheyneyso iney kaga taqalusaan maamulka Axmed Madoobe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News