MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxaha kacdoonka Suuriya ayaa qabsay caasimadda Dimishiq iyadoo madaxweyne Bishaar al-Assad uu ka cararay caasimadda.
Tani waxay soo afjartay xukunkii 24 sano ee Bishaar al-Assad ku haystay Suuriya, iyo dagaal qaatay 13 sano oo ay kooxaha mucaaradka kula jireen dowladda Suuriya.
Soomaaliya, waxaa sannadkii 1991 ka dhacay dagaal sokeeye ka dib markii jabhadihii mucaaradka ay qabsadeen caasimadda Muqdisho, ayna xukunka ka tuureen madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.
Haddaba ma isku ekaan karaan labada kacdoon?