MUGADISHO(KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa la filayaa inuu maanta u safro deegaanka Raaskambooni oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland sida ilo-wareedyo kala duwan ay u xaqiijiyeen warbaahinta.
Ka hor booqashadiisa waxaa Raaskambooni horay u gaaray Taliyaha Qeybta Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Magaalo xeebeedka waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, RW Xamza ayaa la filayaa in uu la kulmo saraakiisha sare ee Gorgor iyo cutubyada Haramcad, kuwaas oo kormeeraya howlgallada amniga ee magaalada, iyo sidoo kale wakiillada kala duwan ee bulshada deegaanka.
Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland Wararka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay uu kordhay dhaq dhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan labada dhinac, taasoo sii murjisay xaaladda siyaasadeed ee kacsan.
Horay ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu qorsheynayay inuu tago magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka hortagay safarkaasi, si uu uga baaqsado inay sii huraan xiisadda ka dhex aloosan Dowladda Federalka iyo Maamulka Jubbaland.