SO | EN

KAAB PODCAST: Dhimashada umul raaca hooyooyinka iyo halista gudniinka gabdhaha ee Soomaaliya

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Gudniinka Gabdhaha, oo asal ahaan ah dhaqan cadawtinimo leh, ayaa weli aad u sarreeya gudaha Soomaaliya, iyadoo ku dhawaad 99% haweenka da’doodu u dhaxayso 15–49 sano lagu sameeyey gudniin,ka fircooniga loo yaqaano.

Tiradan waa mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya adduunka. Nooca ugu daran ee gudniinka, ee loo yaqaan Type III (infibulation), ayaa ah nooca ugu badan ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya, kaasoo xataa horseeda in gabdho yar yar ay u dhintaan dhiig-bax ka dhashay gudniinka.

Gudniinka Gabdhaha (oo loo soo gaabiyo FGM), waxay dhakhaatiirtu caddeeyeen inuu leeyahay saameyn caafimaad oo xun, oo ay ku jiraan dhiig bax daran, caabuqyo, dhibaatooyin marka ay gabadhu ay xaas noqoto oo ay uureysato iyo markay umuleyso, iyadoo halis sare oo ah dhimashada dhallaanka cusub oo sababteedu gudniinku leeyahay ay jirto.

Gudniinka Gabdhaha waxa kale oo uu sababaa dhaawac nafsi ah iyo waxyeelo soo gaarta caafimaadka xubnaha taranka ee haweeneyda.

Soomaaliya waa waddan ay ka jirto mid ka mid ah tirada ugu badan ee dhimashada hooyooyinka umul caalamka oo dhan.

Tusaale ahaan, Sanadkii 2020, hay’adda caafimaadka adduunku waxay diiwaangalisay 621 dhimasho hooyooyin umul raacay oo ka dhacday ka dhacday Soomaaliya.

Tiradan waxay u dhigantaa in 100,000 dhalmo ah ay 621 ka mid ah dhintaan, taas oo muujinaysa xaalad adag ee ka taagan caafimaadka hooyada.

Dhibaatooyinkan waxaa sabab u ah helitaanka adeegyada caafimaadka oo xaddidan, adeegyada hooyada umusha ah oo liita, iyo dhibaatooyinka ka dhasha Gudniinka Gabdhaha.

Waxaa socda dadaallo lagu xallinayo caqabaddan, oo ay ku jiraan wacyigelin ku saabsan khatarta Gudniinka Gabdhaha iyo horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada, balse weli waxaa loo baahan yahay dadaal dheeri ah si loo wanaajiyo nolosha haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.

Kaab Podcast waxaan ku wareysanay Sahro Maxamed Axmed, oo ah gabar umuliso ah oo ka hawlgasha xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Caawiye oo ku taalla magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News