Mudug (KAAB TV) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in Xabbad-joojin buuxda ladhex dhigay maleeshiyo beeleedyadii maalmo ka hor ku dagaalamay degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.
Sidoo kale, xabad joojinta ladhex dhigay labadan maleeshiyood ayaa timid kaddib markii, shir wada-tashi ah oo dhexmaray mas’uuliyiinta maamulka iyo guddigii loo xilsaaray dhex-dhexaadinta darafyada, oo ay weheliyaan odayaasha labadii beelood ee dagaallamay.
Dhanka kale, Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in degmada Xarfo laga saaro dhammaan ciidan beeleedkii dirirtu dhexmartay, lana geeyo goobo cayiman oo la isla gartay, magaaladana aan hub lala soo geli karin, lalana dhexmari karin.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay” in labada darafba ay u diyaar garoobaan gogol nabadeed iyo wada hadal, si loo xaliyo khilaafka arrintaan, gogoshaas oo ka dhacaysa Degmada Xarfo, gaar ahaan guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud, taariikhdu marka ay tahay 25/12/2024.”
Maamulka Puntland, ayaa sheegtay in sidoo kale la go’aamiyay in kharashka ku baxaya gogoshada nabadda iyo martida ay mas’uul ka yihiin labada Beelood ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad si siman, waxaana ugu danbayn labada dhinac la faray in ay u hoggaansamaan go’aannada soo baxay.