SO | EN

SO | EN

Dibadbaxyo looga soo horjeedo DF oo ka dhacay Garoonka kubada cagta ee Kismaayo

|

Kismaayo (KAAB TV) – Garoonka Kubada Cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo waxaa ka socda maanta banaanbax weyn oo looga soo horjeedo faragelinta DF ay ku heyso Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee dowladda Jubbaland  Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo Qaar kamid ah labada Golle ee Dowlada Jubbaland iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Banaanbaxa.

Dhanka kale, Waxaa soo qaban-qaabiyey banaanbaxan maamulka magaalada Kismaayo oo saaka gaadiid kala duwan ku soo daabulay shacab haween u badan oo la kala keenay xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in banaanbaxa uu ka soo qeyb galayo Madaxweynaha doorashadiisa lagu muransan yahay ee Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo aad loo adkeeyey amaanka garoonka Waamo ee uu ka dhacayo dibed-baxa.

Ugudambeyntii, masuuliyiin kala duwan oo taageersan maamulka Axmed Madoobe iyo dad kale ayaa banaanbaxa ka jeedinaya khudbado ka dhan ah faragelinta DF ee degaanada Jubbaland iyadoo dhinaca kale taageero loo muujinayo Axmed Madoobe oo DF ay ku heyso dabagal iyo ugaarsi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News