Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo kahoryimid boob ay sheegeen in lagu haayo dhulka danta guud.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaanadaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray Warsaxafadeed ay kaga soo horjeedaan boob ay sheegeen in lagu haayo dhulka danta guud ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Mudanayaashaan labada Aqal oo tiradoodu gaareyso ilaa 97 Xildhibaan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in laga iibiyo dhulka danta guud ah oo ay ku eedeeyeen in madaxda dowladda boob ku hayaan.

“Anagoo ah Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah waxaan halkaan ku soo gudbineynaa in loo istaago Ilaalinta Hantida Danta Guud iyo u digidda dadka u fududeeya Villa Somalia boobka Dhulka Danta Guud ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo saareen Xildhibaanadaan.

Warsaxafadeedkaan ayaa noqonaya kii labaad ay soo saareen Xildhibaanadaan ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan boobka dhulka danta guud ah.

Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo jeeda bahda waxbarashada inuu xaraashay dhul badan oo ahaa goobo Waxbarasho.

“Madaxwaynaha oo ka soo jeeda bahda waxbarashada ayaa xaraashay dhukii u badka Soomaaliyeed wax ku baranayeen, Sida Jaamacada Umada, Schoolka Ilays iyo kuwo kale oo badan, waana ka xishoon waayey masiirka dhallinyarada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xildhibaanadda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhaneystiran:-

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News