Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay qaraxyo laga maqlay Muqdisho.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Booliiska Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soosaaray waxa uu uga hadlay qaraxyo xalay 11:00 PM laga Maqlay qabyo kamid ah Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka dhacay Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir.

Qaraxyadaas waxa uu Booliisku ku sheegay dheemish aan wax khasaara naf iyo mid maaliyadeed geysan balse lagu qalqalgelinayay amniga sida hadalka loo dhigay, goobihii qaraxyadu ka dhaceen ayuu Booliisku tilmaamay in ay gaareen.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayaa in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho. Kooxaha khawaarijta ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka ayaa lasii raaciyay “Miinooyinkaas waxaa la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah geysan. Ma jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas. Ciidanka Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdadan, kana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada”.

Ugu dambeyn Booliiska Soomaaliya ayaa Shacabka ka codsaday in ay kordhiyaan wadashaqeynta kala dhaxeysa Hay’adaha ammaanka ee mas’uuliyadda ka saaran tahay ilaalinta nafdooda, Hantidooda & Nabadgalyadooda.

“Taliska Boliiska waxa uu ugu baaqayaa shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliyeed.

Muqdisho ayaa in muddo ah ka xasiloon maqalka dhawaqa qaraxyada, dad badan ayaa xalay marqura maqlay ilaa dhowr qarax, Ciidamo katirsan Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tagay Degmada Daarusalaam ayaa sameeyay howlgallo ilaa haatan natiijada kasoo baxday lasoo bandhigin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News