Calmiskaad (KAAB TV) – Waxaa maanta qarax miino ah ku geeriyooday sarkaal, Maxamed Maxamuud Bootaan oo ka tirsanaa guutada Duufaan ee Ciidamada Daraawiishta Puntland.
Sidoo kale, marxuum Maxamed Maxamuud Bootaan oo ku magac dheeraa (Jiib) ayaa ku geeriyooday qarax miino oo uu ka saarayay nawaaxiga degaanka Qurac ee togga Jeceel, halkaasi oo ciidamadu maanta ka wadaan hawlgal miino-baaris ah, kaddib markii laga saaray Argagixisada Daacish.
Dhanka kale, Sarkaal Jiib Bootaan ayaa si weyn loogu xasuustaa in uu bishii hore gacantiisa ku qabtay diyaarad yar oo qaraxyo xambaarsan, taasi oo ay xilli habeenimo ah mileeshiyaadka Daacish ku soo dhex tuureen ciidamada Puntland ee Hawgalka kaga jira buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Sikastaba, dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Deni uu bogaadiyay in geesinimada ciidamada Puntland gaartay heer ay diyaarado qaraxyo sida gacanta ku qabtaan, islamarkaana ku guulaystaan in ay dhulka soo dhigaan.