New York (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Ukraine Zelensky, ayaa wareysi uu siiyay Fox News, kaddib kulankii Aqalka Cad, ayaa waxa uu diidday inuu wax cududaar iyo raalligelin uu siiyo Trump, sabab laxiriirta inuusan dib ugu laaban doonin Aqalka Cad, haddii xitaa mar kale ay suragal tahay, isagoo xusay in wali macquul tahay in la badbaadin karo xiriirka isaga iyo Trump. isagoo ku macneeyay inuusan dooneyn in uu iska lumiyo xulafo muhiim ah.
Sidoo kale, madaxweyne Trump ayaa isna dhankiisa sheegay in Zelensky uu isku dayay in uu markale dib ugu soo laabto Aqalka Cad, isagoo markaas diyaar u ah wadahadal, balse taasi aysan suuragali karin.
Dhammaan hoggaamiyayaasha Yurub iyo Canada ayaa taageerray Zelensky, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Yurub ay ku sheegeen dagaalka ay Ukraine ku jirto inuusan ahayn kaliya mid lagu difaacayo Ukraine ee sidoo kale uu yahay dagaal difaacaya Yurub.
Siakstaba, taageerrada dalalka Yurub ayaa u muuqata in lagu dejinayo xaaladda aan horey loo arag ee lasoo daristay Zelensky inta uu joogay Aqalka Cad, halka dhacdadaan ay soo muujisay kala aragti duwanaanta sarreysa ee dagaalka Ukraine oo u dhaxeysa Yurub iyo Mareykanka, tan oo muujinaysa in la galay maalmo iyo toddobaadyo xasaasi ah.