SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo si kumeel gaar ah u joojiyay xogaha sirdoon ee uu siin jiray ciidanka Ukraine

|

Ukraine (KAAB TV) – Mareykanka ayaa sii kordhiyay cadaadiska uu saaray dalka Ukraine, si ay u aqbasho wadahadallo nabadeed oo ay la yeeshaan dowladda Ruushka ee duullkaanka ku qaaday dalkaasi, sidoo kalana qabsatay gobolo kamid ah dalkaasi.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa markan si rasmi ah u jartay xogihii sirdoon uu la wadaagi jiray ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka, waxa ayna taasi saameyn aad u xooggan ku yeelan kartaa dagaalka ay ciidamada Ukraine kula jiraan kuwa Ruushka.

Dhanka kale, agaasimaha CIA-da, John Ratcliffe ayaa Arbacadii sheegay in Maraykanku uu xilligan la joogo soo afjaray la wadaagidda xogaha sirdoon ee xukuumadda Kyiv, mana sheegin agaasimaha mudada ay qaadan karto tallaabadan ay qaadeyn.

Madaxweyne Trump, ayaa sidoo kale horey u hakiyay kaalmadii milatari uu siin jiray dowladda Ukraine, taas oo iyana saameyn aad u xooggan ku yeelatay dowladda Ukraine oo si weyn ugu tiirsaneyd kaalmaha Mareykanka siiyo.

Sikastaba, Khilaafka Mareykanka iyo Ukraine, ayaa meel xun gaaray kaddib bahdiliii Aalka Cad lagula sameeyay Madaxweyne Zelenskyy oo hadda u muuqda mid isku dhiibay Trump, kana qoomameenaya tallaabadii uu qaaday intii uu joogay Aqalka Cad ayna canaanta ku wadeen Trump iyo kuxigeenkiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News