New York (KAAB TV) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu bilaabayo dib uhabeyn lagu sameynayo hay’ad caalami ah si loosii xoojiyo wax soo saarkeeda loona dhimo kharashka ku baxa, kaddib markii ay soo wajahday xaalad dhaqaale xumo oo daran.
“Kheyraadku wuu sii yaraanayaa –muddo dheerna sidaas bay howshu soo ahayd,” ayuu u sheegay wariyeyaasha Antonio Guterres
Sidoo kale, Antonio Guterres ayaa sheegay in hay’addan loo bixiyay UN80 maadaama Qaramada Midoobay ay sanadkan u dabbaaldegayso sannad-guuradeeda 80-aad uu doonayo inuu ballaariyo, isla markaana uu dardargeliyo dib uhabeyntii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2017, si hay’addu ay u noqoto mid intii hore ka faa’iido badan, kana kharash-yar.
Dhanka kale, Antonio Guterres ma uusan bixinin faahfaahin ku saabsan inta lacag ah ee qorshihiisu badbaadin karo ama inta shaqo ee la dhimi karo, balse wuxuu sheegay inuu si degdeg ah hawsha u bilaabi doono, gaar ahaan meelaha uu awoodda u leeyahay, halka arrimaha kale ee u baahanyihiin go’aan ka-gaarista 193-ka dal ee xubnaha ah golaha uu u gudbin doono si ay u eegaan.
Hindisahan waxaa hoggaamin doona guddi ka kooban 14 xubnood oo ka tirsan Qaramada Midoobay, Sidoo kale, Antonio Guterres wuxuu si cad u qeexay in guddigani uusan noqon doonin mid la mid ah DOGE oo ah waaxda uu Elon Musk hoggaamiyo ee Mareykanka oo iyadu ka shaqeysa waxtarka hay’adaha dowladda Maraykanka, taasoo shaqadii ka fariisisay kumannaan shaqaale dowladeed ah.
“Waxaan ka hadlaynaa hannaan, hab-raacyo iyo yoolal gebi ahaanba ka duwan, tani waa sii-wadid iyo xoojinta shaqadii aan horey u wadnay.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghaye Guterres.
Xoghaye Guterres, ayaa sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay toddobo sano ka hor, Qaramada Midoobay ay la kulmaysay dhibaato dhaqaale oo sii kordheysa, sababo ay ka mid yihiin dalal badan oo aan si buuxda u bixin ama waqtigii loogu talagalay aan ku bixin lacagaha la iska doonayo.
Sikastaba, tan iyo markii ay xafiiska la wareegeen toddobaadyo ka hor, xukuumadda madaxweyne Trump waxay si weyn u dhintay gargaarkeedii ikhtiyaariga ahaa ee ay siin jirtay sanduuqyada, hay’adaha, iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay, iyada oo si buuxda u baabi’isay barnaamijyadii caawinaadda dibadda, isla markaana bilowday ka bixitaanka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), taasoo sare u qaaday walaacyada dhaqaale ee Qaramada Midoobay, Washington waa deeq-bixiyaha ugu weyn ee hay’adda caalamiga ah.