Muqdisho (KAAB TV) -Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib casuumaad ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana uga hortgay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda.
Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka caasimada, iyada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay waddooyinka si ay u sugaan amniga wafdiga ka socda Midowga Afrika
Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay xarunta madaxtooyada qaranka, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda sare ee dalka oo ay ka wada-hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka iyo arrimaha ka cusub gobolka.
Sidoo kale waxaa kulamadaas lagu soo qaadi doonaa kaalinta ciidanka AUSSOM ee ku aadan howlgallada socda iyo garab istaagga AU ee la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.
Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu taageertay Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo guddoomiyahah cusub ee Midowga Afrika, isaga oo ka adkaaday musharrixii ka socday Kenya ee Raila Odinga.
Febraayo 15, 2025, ayey ahayd markii Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, loo doortay inuu hoggaamiyo Guddiga Fulinta Midowga Afrika, wuxuuna helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka qaaradda, oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.
Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan diblomaasiga 59-jirka ah, Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana u sahlay inuu hoggaanka qabto ololihiisii xasilloonaa, kaas oo uu kaga guuleystay siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga.
Waxaa kale oo loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay amaaneen ololihiisa xasilloon ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika.
Diblomaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Jabuuti ayaa ugu dambeyn hanatay kursigaan ayaa ka mid ah dalalka ugu dadka yar Afrika, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.