MOGADISHU (KAAB TV) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kula dar daarmay shacabka iyo Madaxda Dowladda inay iska kaashadaan ka hortagga weerarada ‘AS’.
Yabooh ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii ay soo mareen waxaana tusaale ugu dhow oo lagu soo qaadan karaa ay tahay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe 14-kii October 2018 oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay isku xirnaan iyo wada shaqeyn dhow oo dhex marta shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta dowladda si looga hortago dhibaatooyin kale, sida uu hadalka u dhigay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Yabooh ayaa tilmaamay in guusha laga gaaro dagaalka lagula jiro argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo iskaashiga shacabka Soomaaliyeed Shacabka ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka isla markaana loo midoobo sidii dalka looga ciribtiri lahaa Al-Shabaab.
“Hay’adaha amnigu kaligood waxba ma qaban karaan, shacabka waxaa looga baahan yahay inay si dhow ula shaqeeyaan oo ay la wadaagaan xogta ay helaan waqtigooda si looga hortago dhacdooyinkan oo kale. In xogta la wadaago waa muhiim si hay’adaha amniga ay u feejignaadaan,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Hay’adaha ammaanka inay ka feejignaadaan weerarkii arxan darada ahaa ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka caanka ah ee ku yaala xeebta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Booliska Soomaaliya ayaa Sabtidii sheegay in 32 qof ay ku dhinteen weerarkii xeebta Liido halka 63 kalena ay ku dhaawacmeen waxaana dadka lagu daweynayaa isbitaallada Muqdisho lagu dabiibayo.

