GAROWE (Kaab TV) – Haweenka Puntland ayaa si cad u sheegay inaysan codkooda siin doonin xisbiyada iyo ururrada aan mudnaan siin haweenka iyo dhallinyarada, gaar ahaan marka la eego xilalka sare iyo matalaadda siyaasadeed.
Hadalkan ayaa ka soo yeeray haweenka xilli uu caawa magaalada Garoowe ka dhacay kulan uu soo qabanqaabiyay Guddiga Doorashooyinka Puntland, kaas oo lagu soo bandhigay qorshaha shanta sano ee lagu hiigsanayo dimuqraadiyad buuxda oo ka hanaqaadda Puntland.
“Annaga haddaan nahay haweenka cod siin mayno xisbigii aan kaalinta koowaad ku qorin musharraxiinta haweenka iyo dhallinyarada,” ayay tiri Xaawo Cali, oo ah Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland, oo ku hadlaysay codka haweenka ka qeybgalay kulanka.
Haweenka ayaa sidoo kale sheegay in ay waayo-aragnimo u leeyihiin sida nidaamka qabiilka iyo musuqmaasuqa ku dhisan ee “ina adeer” lagu bixiyaa xilalka siyaasadeed uu u horseeday in aysan helin fursad ay ku matalaan bulshadooda.
Haweenku waxay sheegeen in nidaamkaasi uu fashilmay oo aanu shaqeyn, loona baahan yahay isbedel dhab ah.
Qoondada haweenka
Haweenku waxay ku cawdeen in qoondada haweenka ee 30% sidii la rabay aysan u dhaqangalin, gaar ahaan doorashii 2023 ka dhacday Puntland.
Xaawo Cali ayaa ku baaqday in Xeerka Doorashooyinka Puntland lagu soo daro qodobo adkeynaya in qoondada haweenka lagu daro tartanka doorashada.
Musharrixiinta tartameysa ayay shweegeen in liiska tobanka ugu sarreeya lagu soo daro haweenka.