MUQDISHO (Kaab TV) – Buuq iyo muran ku dhowaaday gacan qaad ayaa maanta ka dhacay baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa diiday inuu furmo kulanka maanta ka dib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe, uu diiday in ajendaha lagu soo daro kiiska xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo sida la sheegay uu beegsi ku haayo guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyada.
Muranka ka dhex bilawday madasha ayaa sababay in la jabiyo makrafoonka, iyadoo intaa ka dibna uu guddoomiyuhu soo xiray shirka.
Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh ayaa sheegay in Xildhibaan kasta deegaan doorasho ayuu ku joogaa, xildhibaana xildhibaan kale kama saari karo baarlamaanka. Aadan Madoobe waa xildhibaan.