Jig jiga (KAAB TV) – Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada booliska deegaankaasi ay weerar ku qaadeen xafiiska Ururka ONLF (Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya), xilli uu shir ka socday halkaas.
Sidoo kale, Xubnihii ku sugnaa xafiiska ayaa la sheegay in la xiray, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah la jirdilay islamarkaana ay dhaawacyo soo gaareen.
Ururka ONLF ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay xadgudub sharci darro ah oo ka dhan ah xuquuqda shacabka deegaanka iyo nabadgelyada ururka.
Dhanka kale, Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli ONLF ay dhaliil xoogan u jeedineysay dowladda Itoobiya, gaar ahaan ku xadgudubka heshiiskii nabadeed ee 2018.
Dowlad-Deegaanka Soomaalida – Maamulka uu hoggaamiyo Mustafa Cagjar ayaa qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka, iyadoo kumannaan askari oo boolis ah la geeyay magaalada Jigjiga.
Goobjoogayaal iyo ilo maxalli ah ayaa sheegay in magaalada ay ka socoto cabsi gelin ballaaran, iyadoo si gaar ah loo beegsanayo dadka aragtidooda ka dhiibta maamulka, suxufiyiinta madaxabannaan, iyo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha. Waxaa soo kordhaya wararka sheegaya xarigyo aan sharciyad haysan, cadaadis joogto ah iyo jirdil loo geysto dad lagu eedeeyay inay kasoo horjeedaan maamulka Cagjar.
Magaalada Jigjiga waxaa lagu qabtay maalin ka hor shir la sheegay in Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) loo magacaabay “guddoomiye cusub” oo ONLF. waxaana talaabadan gadaal ka riixayey maamulka degaanka oo ujeedkiisu ahaa inuu ku kala qeybiyo ururka.