SO | EN

SO | EN

Guddiga Xeer-hoosaadka Hirshabelle oo soo saaray anshax marin 3 Xildhibaan iyo Xildhibaan Saneey oo si kulul uga jawaabay

|

Muqdisho (KAAB TV) -Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa soo saaray go’aan anshax marin Seddax Xildhibaan oo lagu eedeeyay inay sameeyeen ficillo aan ku habooneyn Xasaanadda Xildhibaan-ka iyo inay baraha bulshada ku faafiyeen waxyaabo sumcad-dil ku ah Xildhibaanada Baralamanka Hirshabelle iyo sido kale ku xadgudubka Xeer-hoosaadka Golaha.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanada, ayaa lagu sheegay in kadib markii dood iyo falanqeyn ay ka yesheen arrimaha lagu eedeeyay Seddaxda Xildhibaan ayaa ugu danbeyn go’aamiyay in laga joojiyoo Gunnada iyo fadhiyada Golaha muddo ku siman hal kal-fadhi.

Guddiga Xeer Hoosaadka ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaanadaan lasoo eedeeyay ee seddexda ah ay kala yihiin Xildhibaan Axmed Saneey Maxamed, Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Xildhibaan Axmed Cali Abuukar.

Xildhibaan Axmed Saneey oo wareysi siiyay Tv ga Shabeelle ayaa sheegay in warqadaan Guddiga xeer hoosaadka uu ka arkay baraha Bulshada, waxaana uu ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabelle inuu noqday Hogaamiye ku kusoo fashilmay dagaalka Kooxda Al-shabaab.

Xildhibaanka ayaa xusay in aysan jirin Baarlamaan u furnaa Maamulka Hirshabeelle, oo hoolkii Barlamaanka lagu qabto Siminaaro, sidoo kalana aysan jirin wax gunno ah ay qaateen bilihii lasoo dhaafay, warqadaan soo baxdayna ay tahay mid lagu qurxinayo Page jajka Hirshabelle ee Baraha Bulshada si loo muujiyo in shaqa ay socoto.

Ugu dambeyntii Waxa uu Xildhibaan Saneey eedeeynta loosoo jeediyay ku tilmaamay waxba kama jiraan oo ay xitaa jirin xeer hoosaad ama Guddi wax soo maray, warqadaha sidaan oo kala ahna ay soo qoraan xoghaynta Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News