Jowhar (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta furay kalfadhiga 17aad ee baarlamaanka maamulka Hirshhabeelle.
Sidoo kale, madaxweyne Guudlaawe oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka ayaa weerar afka waxa uu ku qaaday Xildhibaan Cismaan Maxamed Xaadoole, isagoona sheegay in uusan jirin qof aan Xildhibaan Xaadoole eheen oo raba in uu isbaaro dhigto gobolka Shabeellaha dhexe.
Dhanka kale, madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in xildhibaanka uu kamid yahay xildhibaannada laga soo doorto Hirshabeelle, islamarkaana uu ka shaqeeyo danaha ummada uu kumatalo halkii looga arriminaayay masiirkii ummada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, dhowaan ayey aheyd markii uu Xildhibaan Xadoole oo hadlaayay uu sidaan oo kale, Cali Guudlaawe uu ku eedeeyay in uu curyaaminaayo dagaalka ka dhan Alshabaab, isagoona ku cambaareeyay in baabuurtii loogu talagalay dagaalka uu ku xareystay madaxtooyada Hirshabeelle, eyna noqotay garaash lagu xareeyo baabuurta.
Sikastaba, hadalkan madaxweyn Guudlaawe ayaa imaanaya xili uu Xildhibaan Xaadoole uu Cali Guudlaawe ku eedeeyay curyaaminta dagaalka ka dhan Alshabaab, hadalka madaxweyne Guudlaawe ayaana umuuqda mid jawaab u ah hadalkii Xildhibaan Xaadoole.