SO | EN

SO | EN

Gogoshii maanta la filayay in ay ka qabsoonto Muqdisho oo dib loo dhigay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay gogosha wadatashiga ee maanta la filayay in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Gogoshaan ayaa waxaa fidiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalkan Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana lagu casuumay dhammaan saamileyda Siyaasadda Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in maalmo kooban dib loo dhigay gogosha, si loo xalliyo caqabado ka yimid dhinaca Mucaaradka.

Shirkaan ayaa waxaa la filayay in looga hadlo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Dastuurka, Amniga iyo doorashooyinka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News